Labbada Shariif oo boorsooyinkii furay & qiimaha codadka xildhibaanada oo sii caga-cageynaya $ 30,000 (Soddon kun dollar)

Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in ay billaabatay ololihii kala jiidashada xildhibaanada baarlamaanka, oo la filayo in ay noqdaan kuwa codadkooda siinaya musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxweynenimada Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah musharixiinta ugu cadcad ayey warar ku dhowdhow waxey sheeganayaan in hanti gaareysa 30 Milyan oo dollar uu ugu talogalay inuu ku galo tartanka doorashada, halka Shariif Xassan oo isna doorkiisa aan la dhayalsan karin ay warar ku dhow dhow sheeganayaan inuu ugu talogalay inuu ololaha doorashada kaga qeybgalo adduun gaaraya 17 Milyan oo dollar, waxaana ilaa xalay soconayeen kulamo ay yeelanayeen xubnaha u qaabilsan ololaha doorashada & xildhibaanadii xalay la dhaariyey.

Xildhibaan aanu qadka taleefanka ku wareysanay, kana gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegaya in haddii dhaqaale uu ku soo baxayo shaqsi musharax ah, inuu filayo in shaqsiyaasi uu noqonayo Sheekh Shariif, wuxuuna taa sabab uga dhigay in xildhibaanada u ololeynaya Sheekh Shariif ay balanqaadeen in ay bixinayaan 30-kun dollar xildhibaankii, u codeynaya Shariif-ka, halka xildhibaanada u ololeynaya Shariif Xassan ay balanqaadeen 20-kun dollar.

“Shariif Xassan ololaha doorashada waxaa u qaabilsan Mustaf Dhuxulow, wuxuuna xildhibaanada u sheegay inuu codadkooda ku iibsanayo 20 kun dollar, halka dhinaca Sheekh Shariif ay u kaambeyn gareynayaan xildhibaano tiro badan`ayuu yiri xildhibaankan, wuxuuna xusay in Cabdiweli Gaas isagana uu balanqaaday inuu dardar cusub la soo bixi doono marka guddoomiyaha baarlamaanka la doorto.

Warar aan la hubin xaqiiqdooda ayaa sheegaya in ay dhici karto in saddexda xubnood ee xilalka sarsare ka soo qabtay dowladdii waqtigeedu dhammaaday in ay beesha caalamka ay ka hor istaagto in ay tartanka doorashada ka qeybgalaan.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Blog at WordPress.com.